Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Danyeer Sababay Isku dhaca Labo Beelood Iyo 16 Ruux Oo Ay Iska Dileen

Tuesday - November 22, 2016



Dagaal la isku adeegsaday Taangiyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu maalmahan ka socday magaalada Sabah ee dalka Libya kaddib markii labo beelood oo lagu kala magacaabo Awlad Suleiman iyo Gaddafa ay isku dheceen daanyeer aawadiis, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Iska-hor-imaadkan ayaa yimid kaddib markii saddex dhallinyaro ah oo kasoo jeeda beesha Gaddafa ay daanyeer ay wateen ku direen gabar yar oo ciyaal isguul ah kaas oo xijaabkii ka siibay, dharki kalena ka jeex-jeexay.

Beesha gabadha laga faduuliyay ee Awlad Suleiman oo duullaan soo qaaday ayaa waxaa ay dileen daanyeerka iyo raggii watay, waxaana ay arrintaasi u cuntami weysay beesha Gaddafa oo iyana weerar saf ballaaran ku soo qaaday qoladii kale.

16 ruux ayay iska dileen labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay dagaalkaasi tiro kor u dhaafeysa 50 ruux.

Dagaalka labadan beelood ayaa waxaa uu socday saddex maalmood, iskiis ayuuna isaga qaboobay, laakiin waxaa xiran isu socodka xaafadaha ay ku dagaallameen oo ay dhufeyso wali isugu jiraan.

Tan iyo sidii xukunka looga tuuray madaxweynihii dalkaasi Muamar Gadhafi sanadkii 2011 ayaa waxaa dalka Libya hareeyay dagaallo qabali ah kuwaas oo waddanka kala jar-jaray, qabiil walbana magaalo xirtay.