Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Guddiga Doorashada Somaliya Oo Ka Hadlay Tirada Xildhibaanada Aqalka Sare Iyo Aqalka Hoose Ee La Soo Gudbiyey

Monday - November 21, 2016



Muqdisho-Gudoomiyaha guddida doorashooyinka dadban ee Somaliya Cumar Maxamuud Cabdule (Cumar Dhgey) ayaa ka hadlay tirada xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose ilaa haatan loo soo gudbiyey

Gudoomiye Cumar Dhagey oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada aqalka sare ee ilaa haatan loo soo gudbiyey ay yihiin 43 xildhibaan halka aqalka hoose uu sheegay inay yihiin 112 xildhibaan.

Sidoo kale gudoomiyaha guddida doorashooyinka dadban ee Somaliya ayaa sheegay in xildhibaanada loo soo gudbiyey ay 20 ka mid ah haween yihiin kuwaas oo qayb ka ah kootada haweenka loo xiray ee ahayd 30%, waxaanu sheegay  in hir gelinta kootadaasi ay tahay guul u soo hoyatay somaliya.

Dhinaca kale gudoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay in xarumaha maamul goboleedyada somaliya ay ilaa haatan si degan uga socdaan doorashooyinku.

Gudoomiye Cumar Dhagey ayaa ugu baaqay guddida xalinta khilaafaadka doorashooyinka inay go'aan ka gaaraan cabashooyinka jira, waxaanu tilmaamay inay awood u leeyihiin baabiinta natiijo doorasho oo hore u soo baxday haddii la ogaado inaanay doorashadaasi sharciga waafaqsanayn.