Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Odayaasha Beeesha Tanade/Lelkase Iyo Cumar Maxamuud Oo Go'aan Mideysan Ka Qaatay Xaalada Gaalkacyo

Saturday - October 15, 2016



Gaalkacyo- Wararkii ugu dambeeyey oo naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu shir gaar ah u soo dhamaaday Beelaha Tanade/Leelkase iyo Cumar Maxamuud ee gobalka Mudug oo ay uga hadlayeen xaaladdaha Amniga iyo Difaaca Gobalkaas, waxayna diirada ku saareen sidi looga go'aan qaadan lahaa xaaladdaha taagan.

Shirkan oo xasaasi ahaa waxaa ka qayb galay salaadiin ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Juunle iyo Suldaan Maxamuud Cagmadhige, iyadoo qodobada laga dooday ay saameyn ku lahaayeen arrimaha Difaaca magaalada, taaso labadan beelood isku raaceen in aan haba yaraatee waxba gorgortan ah laga galin xaaladda magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha labada dhinac waxay kaloo cadeeyeen in haddii la galayo dib u heshiisiin iyo Nabad ay noqoto mid aan waxba sharuud ah ku xirneyn, gorgortan iyo wada hadal aan laga gali-karin dhismayaasha iyo taako ka mid ah dhulka Xaafadda Garsoor gaar ahaana Galbeedkeeda, balse haddii  wada hadal la galaayo ay shuruud kaga dhigeen in laga wada hadli-karo oo kaliya Xaduudii Gumeystaha ee Sannadkii 1933-dii.

Labadan beelood ee qodobadan soo saaray waxay ka mid yihiin beelaha ugu awooda badan ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo sidaas oo kale leh dhulka uu ka dhashay murankii sababay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.