Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xidigaha Cararaaya Cirka Qaawan Cimilada Xun Iyo Roobka Curan Waayey .. Roob Doonay Eebow Dan-yarti Wey il Daran-yihiin Oo Shimbirihi Ma Duulaan

Monday - October 10, 2016



Roob la'aan ayaa ka jirta guud ahaan Puntland oo mareysa heer aad u xun, Waxaana marba marka ka dambeysa kor u si kacaya baahida Biyaha iyo Cuno ee ay qabaan qooysaska miyiga ay sida gaarka ah u saameysay.

Roobka oo waqtigii ka daahay ayaa si galaafaneysa noloshi dadyooga iyo duunyo badanba, waxaana duunyada inta nool ay ku jiraan xaalad halis ah oo qooysaski deganaa dhulka miyiga ah ayaa qaarkood ay ku soo hayaameen dhulkii miyiga ah oo soo gaaray magaalooyinka, halka kuwa kalana ay u guureen dhul ay is leeyihiin waa ka wanaagsan-yihiin dhulka ay hore u daganaayeen.

Dhinaca kale dadyooga bulshada degaanka Galdogob iyo nawaaxigeeda oo iyagana si gaara u saameysay kuleylka roob la'aanta ayaa bilaabay kulamo iyo shirar gar gaara oo looga hadlaayo xaalda oogan iyo sidi loogu gurman lahaa, isla markaana taladu noqotay iney maanta ku dhaqaaqaan banaabaxyo duco Roob-doon oo alle looga dalbanaayo Roobab dhulka Maasheeya, waxayna weynkooda iyo yarkoodaba ku ducueysanayeeen ereyo ay ka midd yihiin: Eebow adaan dikrinaa, oo danbi dhaaf waan kaa rabnaa .. Eebow risiqa samada yaal nagu noole, oo ka dhig midaan danab wax laaya lahayn iyo dooxooyin nala booda .. Eebow mid aan lahayn duufaan wax qaada iyo dabeylo xoog leh .. mid aan duunyada marin, dhulkana doog ka soo bixiya. aamiin aamin

 waxaana la is faray in ehelada iyo walaalaha musllimiinta qurbaha ee meelkasta ka jooga dacalada caalamka ay xaalada roob la'aanta talaabo-talaabo ula socdaan si waqtiga ku haboon aan gurmadka looga gaabin., balse laabta loo garaaco