Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Sida Beelaha Puntland U Kala Heleen Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare Ee Puntland Matali-doona DFS

Saturday - October 8, 2016




Garoowe- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u gudbiyey Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dad-ban ee Soomaaliya iyo Golaha baarlamaanka Puntland Liis ay ku qoran yihii 30 musharax oo u taagan ka mid noqoshada Aqalka Sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah u matali-doona gobalada Puntland.

Magacyada xubnahan ayaa lagu saleeyey beelaha Puntland oo laga soo xulay xubnaha tartanka adag u gali-doona xubinimada Aqalka Sare.

Sida ka muuqata Liiska badankiisa waxaa laysku qaaday beelo kala duwan, taas oo muujinaysa in Nidaamka dad-ban uu dhinacyo kala duwan saameeyey.

1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake (Wasiirka Koowaad ee DFS hadda)  Aamina Aadan Beesha Waa Cismaan Maxamuud

2. Yaasiin Cabdi Seed (Xildhibaan hore DFS) Vs Seynab Xaashi Ciise Waa Beesha Cumar Maxamuud

3. Cabdiraxmaan Faroole (M/weynihii hore PL) Vs Cabdi Mahdi Abshir Cismaan Waa Beesha Ciise Maxamuud

4. Siciido Xassan Cismaan, Axmed Tigaana, Siciid Maxamuud Aadan, Maxamed Maxamuud bile Waa Beesha Warsangeli

5. Hodan Maxamuud Cismaan, Axmed Maxamed Maxamuud, Caydiid Saleebaan Xaashi, Axmed Maxamuud Faarax. Waa Beesha Dhulbahante

6. Abdirisaaq Juurile, Hodan Ismaaciil Cilmi Waa Beesha Dishiishe

7. Maxamuud Axmed Maxamuud, Faadumo Siciid Maxamed Waa Beesha Cali Saleebaan

8.Mahad Cabdale Cawad, Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Maxamuud Cali Saciid Waa Beelaha Cabdiraxiin, Meheri Carab Saalax iyo Dir

9. Mahad Daahir Sheekh Nuur, Cabduqaadir Shaaciye, Cabdixakiin Axmed Xaashi
Waa Beelaha Awrtable, reer Maxamuud iyo Wabeeneye

10. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, Shukri Cabdulaahi Maxamuud, Farxaan Cali Xuseen Waa Beesha Tanade- Leelkase

11. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere, Faarax Cawad, Siciid Maxamuud Cali. Waa
Beeesha dhulbahante

Ugu dambeyn xubnahan waxay hortagi doonaan baarlamaanka dawladda Puntland maalmaha dhaw oo ay ka raadsan doonaan codka Kalsoonida, waana halka ugu badan ee uu ka imaanayo Loolan Adag oo ay gali doonaan xubnahan.