Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Cuna-qabateynti Qaadka Ee Kenya Ku Haysay Karka Iyo Kuleylka Oo Laga Qaaday

Tuesday - September 13, 2016



Mogadisho- Madaxweynayaasha Somaliya Xasan Shiikh iyo kan Kenya ayaa shir gaar ah oo ay ku wada qaateen magaalada Muqdisho, waxay isla garteen in xayiraada laga qaado qaadkii dalka somaliya uga iman jiray dalka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey aan iman dalka somaliya.

Labada madaxweye oo ka wada qayb galay shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo ka  dhacaya magaalada Muqdisho ayaa isla af gartay in qaadka dalka Kenya laga qaado xayiraada maalinta bari ah oo ku beegan 14/09/2016. iyado dhinaca kalana keenyaanka laga sugaayo iney baarista lagu sameeyo somaalida u safarta kenya ee lagu si bahdaleyo airaborka Gaarisa ay wax ka qabtaan. isla markaana ay cadeyaan waxa ay ka qabaan midnimada dhulka Somaaliya

Dhinacca kale Shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd la soo gaba gabeeyey, kaas oo laga soo saaray war murtiyeed dhinacyo badan ka hadlaya.

Bayaanka Shirka IGAD ka soo baxay oo ka koobnaa 22-qodob, ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Wasiirradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed Jabriil kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; In loo xaqiijinayo Somalia Madax-bannaanideeda iyo tan guud ee Midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Shirka IGAD wuxuu soo dhaweeyay warbixinta Madaxda Dowladda Somalia ay ka siiyeen madaxdii shirka joogay hannaanka doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay dadka oo dhan ka qayb-qaataan.