Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xaaskii Musharax Trump Iyado Caro La Luudsan Dacwad Ka Gudbisay Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Daily Mail

Friday - September 2, 2016



Xaaska Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga jamhuuriga ee dalka Maraykan ayaa dacwad ku soo Oogtay warbaahinta Daily Mail iyada oo ku eedaysay in ay ka qoreen warar ay sumcadeeda ku dhaawaceen.

 Xaaska Trump ayaa dacwadan ay ku oogtay ku sheegtay in ay la xiriiraan arimo salka ku haya shaqooyin ay hore uga shaqayn jirtay xaaska Trump 1990-kii siday ay baahiyeen warbaahinta Daily Mail.

Garyaqaanka u doodaya Xaaska Trump  ayaa xareeyay dacwad ka dhan ah shirkadda iska leh Dail Mail (Ee Mail Media) waxaana ay ka dalbadeen in ay bixiyaan magdhaw gaaraysa ilaa boqol iyo konton Milyan oo dollarka Maraykanka Ah. Dacwadaaso ay ka xareeyeen Maxkamad ku taala gobolka Maryland.