Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Garaadka Dadku Waa Hibo Rabaaniya, Wuxuu U Qaybsama Sadex Qaybood .. Train your maind to see the good in every situation

Wednesday - September 7, 2016



Caqliga iyo garaadka dadku wuu noocya badan yahay, Qof walba illahay wuxuu ka siiyay qiyaas waxan ku soo kobaya in uu ka koban yahay sadex qaybod:

Caqliga kowaad: wuxuu ka hadla khayrka waxa ka soo burqada afkaar macaan,oo diin leh oo dhaqan leh, oo Horuumar leh oo hoga-tusalayn leh,waxa ku abuuran xikmad iftiimay oo Nuurkii All'e ka baxayo.

Caqliga labaad wuxuu ka hadla,waxa maalin walba dhaca iyo wax malinta tagan shekooyinka ku dhex wareega Mujtamaca dhexdiisa sida(waa la yiri,waa la'lahaa, hebel sidaa ayuu uga jeeda hadalka,iyo reer hebel baa sida yiri).

Caqliga sadexaad: wuxuu ka hadla Bulshada,wuxu ku foojiganyahay dadka uu la nolyahay,wuxu yaqan afkar xanbarsan Xaasidnimada iyo xasarada iyo burburka iyo quusta.

Wuxuu dhiiri geliya sharka iyo khilafka dadka,wuxuu jecelyahay dadka oo iska horyimada, oo murankoodu bato.wuxuu dadka ka badiya beenta iyo faanka waxa lagu yaqan in uu diido wanaaga kana horyimado Horuumarka Bulshada markeliya ma qiro wanaaga.

Wuxuu ka soo horjeeeda wanaag oo dhan,iyo wax kasto Horuumar ah wuxuu dadka kaga dheereeya qabyalada. ficilkiisu waa xuman, qawlkiisu waa qabyalad uu sida xun u isticmalo. wuxuu faafiya xumaanta qaba'ilka kale isago goobta uu fadhiyo ku abuura.wuxuu ka soo horjeeda caqliga fayow ee illaahay ku manaystay Xikmada.

Caqligaasi waa ka ugu liita ee ka feejignow,hana rumaysan hadii aad rumaysatid waxa dhici-doona wax badan oo khaldan. hana dhegaysan caqligaas xumaan sheega ah hadii aad dhegaysatid adigana berito ayuu kaa sheegi xumaanta.