Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qisadi Su'aashi Nebi Muuse CS Uu Iska Weydiiyey ilaahay Iyo Xikmada Jawaabti Uu Malaga U Keenay

Monday - August 22, 2016



Waxaa la yiri Nabi Muuse CS ayaa maalin maalmaha ka mida ah, waxa u is weydiiyey, su'aal niyadiisa ku soo dhacday oo ahayd "Aboowyaalow ilaahay ma seexdaa" kadib ilahay (SWT) ayaa si uu u qanciyo adoonkisaan wanaagsan, ee uu Nebinimada u doortay, una tuso mid ka mid ah sifooyinkiisa wanaagsan oo ah in Allah aanu lulmoon hurdana-doonin.
Waxaa u ilaahay Nebi Muuse CS u soo diray Malag. Malagaani waxa uu u dhiibay Nebi Muuse Laba quraaradood, kadib waxa u ku yiri: "labadaada gacmood mid kasta ku qabo quraarad kana ilaali in ay dhacaan, habeen iyo maalinba"

Nebi Muuse CS ayaa sida la sheegay labadi quraaradood muddo hayey kadib waa uu lulmooday, markasta oo uu lulmooda darteed labada indhood isku qabto, labada gacmood ayaa isu imaanayey markaasa labada quraaradood ay isku dhici-gaareen ama ku sigtaan in ay dhulka ku dhacaan. laakiin marku dhaqaaqaas dareemo ayaa inta u hurdada ka boodo uu markale labada gacmood halkoodi ku celiyaa.

Wax uu muddo sidaan u kala ilaaliyaba ugu dambeysti Nabi Muuse CS waxaa ka awood roonaatay hurdadii, markaasa inta uu gam'ay ay labadii quraaradoodba dhulka ku dhaceen oo ay jabeen.

Malagii ayaa inta uu u yimi Nebi Muuse ku yiri: Taas ayuu ilaahay Tusaalle kaga dhigaayey, ee ogow haddi uu ilaahay seexan lahaa cirka Iyo Dhulkaba in ay dayacmi-lahaayeen oo aanay halkoodi taagnaadeen.