Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Aduunyo Waa Sheeko Iyo Shaahid

Monday - August 8, 2016



Sheeko: nin baa ka soo safray reerkiisii, isagoo sita qumbe
subag ah iyo wan buuran oo Toddoba jir ah, markaas baa laba
tuug aragtay oo ey yiraahdeen war sidee uga xadnaa ninkaas
wanka iyo subagga?
Markaas baa mid wuxuu yiri annaa indhaha iska ridaayee
isoo raac markaas buu indhaha xanjo marsadey oo istaagey jid-
kii ninka soo marayey oo yiri Waryaa sharqamay? Waa anigoo safar
ah, war magaaladii igey, ninkii baa yiri hoo wanka ii qabo, oo usha keenso?
Markaas baa tuugii kale wankii furtay, markaasu kii indhaha istiraayey yiri:
war xarigeyga xoollo kuma jiraan ee qumbaha ii dhiib, ee wankii raadi,
markaas buu isna qumbihii la carrarey ninkiina halkaas baa lagu dhacay.

 TUUG DAHAB XADAY

Nin tuug ah baa ka xaday, nin Suldaan ah laba kabood oo
dahab ah, markaas buu haddana wuxuu arkay dameer laba
jawaan oo dahab ah, saaran tahay, markaas buu damcay in uu
ninka dameerka wata inuu ka xado dameerka dahabka sida,
markaas buu jidkii uu ku soo socday buu kab dahab ah dhigay
oo cabbaar meel u jirta midii kalana uu dhigay, markaas baa
ninkii dameerka watay baa arkay kabta dahabka ah oo meesha
taal, markaas buu iska dhaafay, cabbar markuu socday buu
arkay kabtii kale, markaas buu dameerkii ku xirtay meeshaan
kabtu taal, oo raadshey tii kale oo uu soo dhaafay, markaas
baa tuuggii xaday dameerkii iyo dahabkii.
Sheekadii halkaas ha noo joogto.