Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Sideeda Sababood Oo Soomaalida Ay Ku Taageertay Tayyib Erdogan

Monday - July 18, 2016



Dad aan tiro yareen ayaan weli ogeyn sababta bulshada somalida u taageeraan Madaxweyne Tayyip Erdogan, isla markaana uga soo horjeesteen afgambigi dhawaanta dhicisoobay .. Sababutu waa sidaan:

1- Erdogaan waa ninka qura ee maanta ku dhici-kara in dal islaam oo la hagardaaminaayo inu yiraahdo ha laga daayo.

2- Wuxuu sii gaara u tixgaliya dadka ku abtirsada somaalida, isagoo amray iney dalka ku nolaan-karaan, isla markaana haba-yaraate aan loo geysan-karin wax dhiba, taaso keentay in somaalida ay dareemaan in marmarka qaarkood xita ay dadka Turkiga ka xaq badan-yihiin .. matalan Qaar wadankaas sharci-daro ku jooga ayaa la qabtaa oo inta sharci loo sameeyo suuqa lagu si daaya, halka Liibiya, Masar iyo kuwa kalaba aan laga sheeken-karin waxay umada islaamka ku falaan

3- Erdogan waa  Role Model,  madaxda islaamka iney ku dayato oo dadkooda ugu adeegaan siduu Erdogaan dadkiisa ugu adeegay.

4-Waa Ninka qura ee garab jooga musllimiinta la ciilo. siiriya, ciraaq, somaliya, libiya, falastiin iyo Yeman. intaa wadan aan sheegay qaxooti ayuu ku yiihiin dalka Tuurkiga .. Erdogan hortiis qof dalka Turkiga u aqbali-jiray ma jirin.

5- Horay dalka Turkiga dugsasho iyo dareen toona umuu ahayn ummada islaamka, wuxuu ahaa culeys islaamka saaran, xitaa martidu umay hoyan jirin ka hor eerdogaan .. markii Erdogaan qabsaday aya dalka noqday mid la martiyo oo dadka soo dhaweeya.

6- Dalka waxaa wax ka barta arday lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 25.000-35.000 oo deeq waxbarasho la siiyey iyo intaa i in le'eg oo iyagu iska bixiya .. haddi Erdogaan meesha ka baxo dhamaan hawlaha kheyrka ahi waa ka kac .. somaalida waa dadka ugu badan ee deeqaha waxbarasho loo qaraabo kiilo.

7- Wuxuu dalka ku haya 3 million oo Sirian .. xisbiyada Turkiga ka jira qaar badan ayaa taageerayaa- shooda u ballan qaaday iney dadkaa qaxootiga dalka ka musaafirin-doonaan.

8- Erdogaan wuxuu dalka dhaqaalihiisa ka soo qaaday 200 billion, wuxuuna gaarsiyey 1-Trillion dolar, waa shan jeer laab.
Intaa aan sheegay iyo ka badan ayaa lagula coloobay, marka haddi qof dareen islaam ku jiro, isla markaana xaga maskaxda ka caafimaad qaba waa ku khasbanyahay taageeradiisa, haddi kale waa qofka iyo garaadkiisa.