Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Maalmihii Nolosha Nabi Maxamed SCW Iyo Soo Booqashada Bukaanka (visit the sick its sunnah)

Monday - June 20, 2016



Nebigu si joogto ah ayuu u soo booqan jiray dadka xanuunsanaya. Nebigu SCW, waxuu rajo gelin jiray qofka buka isagoo kala talin jiray ama u sheegi jiray waxyaalo xanuunka ka fududeeya una ducayn jiray.

Tusaale: nebigu waxuu booqday Sacad Ibn Cibaada oo markaa xanuun u jiifay. Xilligaas waxaa nebiga la socday Cabdulraxmaan ibnu Coof, Sacad ibnu abu waqaas iyo Cabdulaahi ibnu Mascuud. Markii nebigu SCW soo galay qolkii Sacad jiifay, waxuu arkay in Sacad uu miyir doorsoomay oo Kooma ku jiro. Xiligaas Sacad waxa dul joogay ehelkiisi. Nebigu waxuu su’aalay dadkii dul joogay isaga oo leh: miyuu geeriyooday? Waxay yiraahdeen Maya rasuulkii ilaahayow. Nebigu wuu ilmeeyay. Markay dadkii goobta joogay arkeen nebigii oo ilamaynayna iyaguna wayn ilmeeyeen. Dabadeed nebiga ayaa yiri: miyaydaan maqal? ilaahay ma cadaabo qof kasta oo cabsida allaah u ooya ama leh qalbi murugooda ilaahay dartiis.

Tani waxay tusaale qiime wayn u tahay sida nebigu SCW uu asxaabtiisa ula wadaagayay duruufaha noloshooda soo waajaha. Maxaad u malaynaysaa Sacad oo miyirku ku soo noqda oo ogaada in nebiga Allaah u ilmeeyay xanuunka haya awgiis. Maxaadse ka filaysaa ehelka Sacad ee dul joogay goob joogna u ahaa markii nebigu ilmada iska biinayay sababta xanuunka aabahood. Dhaqanka nebiguna xaqiiqdii waxuu ahaa sifihii rabi quraanka ku sheegay isagoo leh: waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu’miniinta. (al tawba 9:128)

Jaabir cabdullah ayaa yiri: waan xanuunsaday markaas ayaa nebigu isoo booqday isaga iyo Abu-bakar Sidiiq, waxay ii soo galeen iyadoo la igu dawaynayo xaruntii qabiilkayga reer Salamah. Waxuu i arkay aniga oo miyir doorsoomay mana ogayn waxa socda sababtuna waa miyirka oo iga tagay. Nebigu SCW wuu waysaystay markaas ayuu biyihii uu ku waysaystay uu dusha igaga shubay, markaas ayaa miyirkii ii soo noqday. Ugu horayn, waxaan arkay nebigii ilaahay SCW oo dhinacayga fadhiya waxaanan waydiiyay rasuulkii ilaahayow sideen iraahdaa hantidayda maadaama aanan caruur iyo ehal lahayn. Rasuulku iigama jawaabin ilaa aayadaha quraanka ah ee dhaxalku soo degeen.

Waxaaynu ka baranaynaa Jaabir oo markaa ka cabsi qabay geeri xanuunkiisa awgii una waydiiyay rasuulka sida hantidiisa loo maamulayo hadiiba uu dhinto waxa la xaqiijiyay inuu Jaabir sii noolaa 70 sanadood geeridii rasuulka ka dib.