Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

War Weyn.. Qurba Jooga Beesha-Tanade-Darood Oo Sidi Saxaabigi Bilaal U Aadaantay .. Aaway Ku Aaway Adin Yaa Bilaal

Friday - June 17, 2016



Iyadoo laga ambaqaadayo dulmiga filan-waaga iyo boobka dharaarta ka cad ee maal-mahaan loogu hadal-haynta badan-yahay iyo yaabka la arkay oo Cabdiweli Gaas, isagoo ciiro iyo boor ku gel-gelmeysanaya hindisay inu hobaaq iyo mijaxaabo u qodo beesha tanade-daarood oo sida muuqatay sheekadan fal-nacaska waa ka dheer-tahay ujeedada u leeyahay, balse arintu tahay daan-daansi tanade-darood oo u rabo inu miino dhex dhigo. isagoo adeegsanaya Raga waashay ee aan lagu qaris-bixinkarin dawo iyo iyo dabib mid toona

Arimahaa jira awgeed beeshu, waxay ka yeelatay doodo talan-tali ah iyo shirar kala duwan oo meel kasta dacalada dunida ka dhacay amaba ay joogaan . shirar-kaas oo guud ahaantood inta badan gunaanadkiisi ku soo arooray xikmado, tusaale, tusmo iyo iyadoo daaha looga feyday xogo badan oo is qarinaayey.
waxaana fadhiyadaas laga bixinaayey sawiro heerka masuull-nimo, dawladnimo ee ka jirta maamulka iyo sida madaxweyne Gaas u qus gooyey qofkasta oo cadaalad filaayey, waxaa kalo cadaatay in rukumada maamul ee u Cabdiweli Gaas ku shaqeynaayo ay tahay hagardaamo, nacabnimo iyo khiyaamo, waxaa kalo si fiican u muuqatay, lagana sharqamiyey in xaaladu aad uga khatarsan-tahay inta hadda u sameeyey, isla markaana ay noqotay Eelka Kii Dhigay loo ergoodo, waxaa cadaatay wax dirnax iyo damqasho ah in aan loo hayn guud ahaanba shacabka Tanade-daarood oo meel kasta ee maamulkaas kaga dulmanyihiin
Gabagbadi shirarkaas waxaa la is faray in laga fogaado fudeyd lona fekaro hab ilbaxnimo, deganaan, aqoon iyo indheer-garadnimo oo leh faham ku saabsan xaalada guud ee dalka iyo tan puntland, waxaa la isku afgartay in xiriir iyo wada tashi baahasan lala yeesho inta shacuubta isku danta loo arkayo iyadoon loo eegin qabiil, abtirsiin iyo astamo kale. isla markaa la ogaado arimaha is dhaafsan beesha lafteeda oo si cad la isu weydiiyo' Maxaa inaga khaldan inaga?
Gunaanad waxaa si guud loo dajiye hab istaraatijiyadeed oo leh jarajarooyin kala mudan laguna saleeyey xili dhow, mid dhexe ama dheer, oo iyado habeysan loo kala gudbiyey gudo iyo dibad.