Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haddi Cadaalad La Helo Waxaa Jira Raxmad, Waxaa Jira Danbi Dhaaf Iyo Muraadka Bulshada Rabi Aqbalo Oo Maalinta Doorashada Xusuusnow In ..........

Tuesday - June 21, 2016



Ramadaqan Kariim .. Hadii danta Cadaalad iyo wanaaga loo dhidido, oo balaayada qoorta la surtay lagu tuuro badweynta, waxa imaaneysa Raxmad,waxa la helaya Denbi dhaf, waxa jiraya Irsaaq waasic ah iyo muradka Bulshada oo Rabi aqbalo, waxaa barakoobaya dalka iyo dadka iyo dunyada ,oo xita cuntadu waay Barakowbeysa, waxaa barakooba jirka iyo xooga Raga iyo Dumarkaba.

Qof waliba oo bulshada ka mida, wuxuu ka fekera isbedel iyo cadaalad iyo Horuumar, lakiin waxaynu halmaana in aynu ka bilowno nafteena,waxa muhiim ah in aynu sharecada Islamka ku Edbino Naftena.

Waxa muhiim ah in la is isxtiraamo, si ka weyn sida loo ixtiramo boqor ama madaxweyne oo waxa muhiim ah in Bulshadu cebta uga baqato, si ka weyn sida loga baqdo xaaraanta, oo waxa daruuri ah in Cilmiga Hub laga dhigto,lakiin aan Qabiil iyo Jufo-jufo laga dhigan.

Waxii qalad hada jira iyo iyo wixi horayba noo soo maray, oo si dhab ah looga O'oyo, iyo Indhaha Bulshada oo arka Ninka aay isku haybta yihiin ceebtiisa ee Bulshada Sunta u karkariya.waxa muhim in la ixtiramo dadka ehel xikamka ah waxna la waydiiyo.Waxan ogahay in ilbaxnimada iyo Horuumarka laga helo bulsho iyo siyaasiyiin garanaya waxay isku khilaf sanyihiin,iyado anay kooxina koox dumin ayay heshiiyan.

Nasiib daro Siyaasigii maalin walba wuu sii kala fogadan,waxay ka wahsadan inu maqlo kan kale,ama xiriir ka yeshan xaga aragtida, ama wejiyadodu kulman.qulubtodu mar keliya isuma furanto.markii aan ka fekeray marxalada siyaasigu ku jiro,iyo durufta Bulshada waxan ku talin laha sidan;

Oo, Maalinta Dorashada xulka xildhibaanada iyo madaxdaba ee ku soo food sarto, xusuusnow in dunidan wax waliba ka tegayan. nafta tegaysa oo ehelka tegaya oo saxiibkii aya tegaya.waxa tegaya quruxdii iyo dhaman waxaad dhaqday.waxa hara wax keliya ee naftada weydii kii aad daba ordi lahayd.
waxad eegta oo keliya Dadkii dhintay, sida ehelkodii iyo qarabadii iyo saxiibadii u ilabeen, hadana
eeg sida loo qaybsaday Hantidii uu dhaqday. sida awged xususnow malaka-mawdka tagan albaabka.