Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ila Qosol .. Juxa Iyo Nin Xamaali Ah

Wednesday - June 8, 2016




Juxaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo aaday suuqa si uu uga soo iibsado kiish Bur ah, markuu iibsaday kiishkii burka ahaa ayaa wuxuu u yeeray nin xamaali ah oo gaari gacan wata si uu ugu geeyo gurigiisa .

Juxaa iyo xamaaligii oo gaari-gacankii kuwada burkii ayaa is dabagalay, iyagoo isdaba socda ayaa waxay soo dhex-mareen meel ka mida suuqii oo ay dadku aad ugu badan yihiin aadna ciriiri u ah , Muddo ka dib Juxaa iyo ninkii xamaaliga ahaa ee waday kiishka burka ah ayaa ku kala lumay suuqa dhexdiisii, inkastoo uu juxa si aad ah uga dhex-baadi goobay suuqa ninkii xamaaliga ahaa, haddana markii danbe wuu ka quustay inuu arko wuxuuna iska beegsady isaga oo ku daalay raadintii xamaaliga gurigiisii.

Maalmo ka dib juxaa wuxuu arkay ninkii xamaaliga ahaa, hase ahaate juxaa wuu ka dhuuntay xamaaligii uu ku ogaa kiishkii burka ahaa. Qaar ka mid ah asxaabtii juxa ayaa su'aalay sababta uu juxaa uga dhuuntay ninka xamaaliga ahaa ee kiishkiisii burka ahaa la maqan, balse juxaa ayaa ugu jawaabay saaxiibadii oo yiri: waxaan ka baqayaa inuu i waydiisto lacagtii xamaaliga ahaa ilaa maanta.

Sheeko 2aad:- Juxaa oo ku soo baaxay Guri ay ka jirto Alle Bari ama Duco:
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa juxaa oo hayaan dheer ku soo galay magaalo oo ay diif iyo gaajo ka muuqato ayaa waxa uu ku soo baxay Guri ay ka jirto Duco oo Geel lagu qalay balse ay albaabka hortiisa xoonsan-yihiin caruur aad u badan oo ka war-sugaysa dadkii guriga oo u sheegay in loo keeni doono balse ay isa sii nidaamiyaan.

Juxaa ayaa ay talo ku cadaatay isuna sheegay in hadii ay caruurtani sii joogaan in uu meesha ku qadi doono balse ay la gudboon tahay in uu caruurta meel kale u jiheeyo. ka dib ayaa uu caruurtii isugu yeeray markii ay u wada yimaadeen ayuu ku yiri caruureey waxaan hadda ka soo dhergay Duco inoo dhaw oo geel badan lagu qalay balse aan dad cuna loo waayay oo dariiqyada laga soo leexinayo dadka.

Caruurtii ayaa halmar intay hanqalka taageen yiri waa xagee? markaasuu ku yiri maba foga oo waa sakadaa inoo muuqata halmar ay jaanta wareen caruurtii oo ay beegsadeen Ducadii juxaa u sheegay. Juxaa ayaa kaligii ku soo haray ducadii markaasuu sahwiyay oo is yiri armay run tahay Ducada ay caruurtu u yaaceen markaasuu iska soo daba dhigay isagiina.