Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Saxaabigi Dhambal Side Cabdulaahi Binu Xudaafa: Waa Geesigi Qoraalkii Rasuulka s.c.w Gaarsiyey Boqorkii Kisra Ee Furus (iiraan)

Wednesday - June 8, 2016

 

Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi, wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.

Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag.

Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorra-doodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.

Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhawaade. ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq).
Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la akhriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"

Cabdulaahi Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.

hits Hits : 5248