Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Waa Qaybti Shanaad Ee 99-ka Magac Ee ilaahay ( Asmaaul-Xusnaa) The Beautiful Named Of Allah

Saturday - May 21, 2016



Waa Qaybti Shanaad Ee 99-ka Magac Ee ilaahay ( Asmaaul- Xusnaa)

61-Al-muxyi- Yaa Muxyi isagoo leh maggacaan ku akhriya qof buka oo jiran ilaahay waa u ku caafimaadiya .. Inshaa Alaah

62- Mumiitu- Yaa Mumitu, isagoo leh qofkii ay naftiisu u awood sheegato ee marka u sariirta tago intuu laabtiisa gacanta saaro isku akhriya magacaan ilaa u ka gam'yo naftiisa way adeecaysaa .. Inshaa Alaah

63- Al-Xayu- Yaa Xayu, isagoo leh Qofkii baddiya ee ku celceliya magacaan waqtikasta oo u suuragsho, wuxuu xag alle ka helaya cimri cibaada suuban leh waana ka badbaadaya kharafnimada-khalkhalka xaga maskaxda .. Inshaa Alaah

64-Al-Qayuumu - Yaa Qayuumu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan salada subax kadib ilaa ay qoraxdu ka soo baxeyso mid qaafil ah oo caajis ah ma noqonaayo .. inshaa Alaah

65- Al-Waajidu Yaa Waajidu, isagoo leh Qofkii magacaan ku celceliya ilaahay waxuu siinaya isku  filaansho, qalbigiisana ilaahay Nuur ayuu u geliya .. Inshaa alaah

66-Al- Maajidu- Yaa Maajidu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan isagoo meel xasiloon jooga  ilaahay ayaa qalbiga u nuuriya, wuxuuna ahaanaya mid faraxsan oo Raali ah markasta .. Inshaa Alaah

67-Al-Waaxidul-Axad- Yaa Waaxidul- axad, isagoo oranaaya qofkii ku celceliya magacaan 1000 jeer, ilaahay wuxuu ka xoreya cabsida iyo dhalanteedka nolosha, qofkii markasta afka ku haya magacaan ilaahay wuxuu u feydeya siro ka qarsoonaa .. Inshaa Alaah

68-As-Smadu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan -125 jeer,115 isagoo sujuudsan, ilaahay wuxuu u oofinaaya amuurihiisa .. inshaa Alaah

69- Al-Qaadiru- Yaa Qaadiru, isagoo leh Qofkii laba rakcadood ee ku celceliya magacaan 100 jeer ilaahay wuxuu u fududeynaya masuuliyadi iyo hawshii u xilsarnaa .. inshaa Alaah

70- Al-Maqtadiru- Yaa Muqtadiru, isagoo leh Qofkii ku celcelia magacaan marka u tooso illa 20 jeer ilaahay waajibkiisa iyo hawlihiisa ayaa alle u fududeynaya ..  inshaa Alaah

71-Al-Mu'akhiru- Yaa Mu'akhiru, isagoo leh qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer oo maalinkasta akhrista wuxuu noqonaya mid ilaahay agtiisa qiimo dheeraad ah ku leh, qalbigiisana waxaa ku abuurmaya oo degaya alle jaceylkiisa .. inshaa Alaah