Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxweyne Axmad Madoobe Oo Soo Gabagabeeyey La Tashiyo Ku Aadan Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub Ee Jubaland

Wednesday - May 18, 2016



Kismayo-Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka halkaasoo uu uga qeyb geli doono shir ay isugu imaan doonaan madaxda Maamul Gobboleedyada iyo Madaxda dowladda DFS kaasoo looga hadli doono arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Xubno muhiim ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso islamarkaana ka tirsan Madaxtooyada jubbaland ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu ku dhawaaqi dono Golaha wasiirada cusub ee Jubbaland ka hor inta uusan u amba bixin magaalada Muqdisho, maalinta berrito ah ama berri dambe. waxaa sidoo kale ay xubnahaan xaqiijiyeen in Golaha Xukuumada Jubbaland ay ka koobnaan doonto 18 Wasiir.

Magacaabista Golaha Wasiirada jubbaland ayaa lagu saleeyay habka ay Soomaalidu wax ku qeybsato ee 4.5, waxaana magaalada Kismaayo soo buux dhaafiyay siyaasiin aad u fara badan kuwaasoo aad ugu hanqal taagaya in xil loo magacaabo.

Axadii aynu soo dhaafnay ee 15-kii May ayay ahayd markii Madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay labadiisa ku xigeyn, kuwaasoo uu ukala magacaabay Maxamud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Maxamuud Yuusuf (Lugadheere)