Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Hargeysa Oo Salaatul-Sahwi Galisey INa Cumar Geellaha Jabuuti

Saturday - May 14, 2016


Warar rasmi ah oo soo gaaray goobaha looga faalloodo arimaha siyaasada ayaa sheegaya in madaxda Somaliland si ramsmi ah u casuuntay Ganacsade C/raxmaan Boore oo ah hogaamiyaha Mucaaridka Jabuti in uu ka soo qaybgalo maalinta xuska 18 May oo lagu qabanayo Hargeysa.

Sida warku sheegayo, waxa martiqaadka soo dedejiyey qaabkii dawladd Jabuuti ula dhaqantay madaxweyne Siilaanyo caleemo saarki 4-aad ee loo sameeyey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleh oo maamulka Somaliland iyo shacbigeedu aad uga xumaadeen haybadii uu mudnaa madaxweyne Siilaanyo oo meeqaam hoose ka yeeshay ddawlada Jabuuti.

Sidoo kale waxa wararka sheegayaan in casuumida ganacsade C/raxaman Boore ay soo dedejisay isagoo qayb laxaadle ka qaatay in shirkada DP World ku dhiirato in ay Somaliland la gasho heshiiskii maalgashi ee ugu weynaa ee ay abid somaliland la gasho shirkado shisheeyo. C/raxamaan Boore waa maalqabeen dagaal isku adeegsiga sharciyada caalamiga ahi ka dhexeeyo madaxweyne Geelleh oo dacwado ku furay si loo xayiro hantidiisa.

Hase ahaatee marti qaadka ganacsade C/raxamana Boore ayaa horu dhac u ah astaan tilmaamaysa in Somaliland iyo Jabuuti xiriirkoodi uu nabar-gaaray, isla markaana bog cusub oo khilaaf-siyaasadeed oo labad dhan cadaysanayaan uu haatan soo baxayo. Lama hubo sida uu uga jawaabi doono Ismaaciil Cumar Geele oo aan ka gamin soo hadal qaadka C/raxmaan Boorre oo isagu ah ka kali ah ee mucaridada maalqabeen ah ku haya hogaamiya xilka ku dhagay ee Djibouti.

Siyaasiyiin iyo wax ggarad reer somaliland ah oo ka war helay marti qaadka loo fidiyey ganacsade C/raxmaan Boorre, kuwaaso oo madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday in ay martiqadka ka noqoto, isla markaana laga fiirsado, laguna deg degin heshiiska shirkada DP World, xili Jabuuti ay isla il daran yihiin.

Xiriirka qarson ee madaxda Somaliland iyo ganacsade Ina Boore ayaa daaha ka rogmay todobaadkii hore markii sawir aan loogu talo galin uu ka soo muuqday Ina Boorre xili waftiga Somaliland ku gudo jiro heshiiskii shirkada DP World oo uu la socdo waftiga somaliland.

Waxa la eegaa imaanshaha ganacsadee C/raxmaan Boore oo la sheegay in uu martiqaad iyo soo galbinta uu magaalada Dubai uu wakiilka somaliland dubai Baashe Cumar ay wada yimaadaan iyo waxa ay kaga jawaaabto dalwada Jabuuti oo horeba hoos u ogayd xiriirka.