Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ciise CS iyo Xog-Warnkiisi Imaanshaha Guri-Dambeyska Anbiyada Nabi Maxamed SCW

Friday - May 13, 2016



Ciise CS, wuxuu ahaa kii ugu dambeeyey anbiyadii Reer Israaiil. wuxuu qoomkiisi uga waramay imaanshaha gura-dambeyskii Anbiyada iyo Rususha, oo isaga kadib nabinimada la soo af jaray. uma sheegin oo keliya imaanshihiisa, ee wuxuu xitaa u sheegay magaca Nabiga, isagoo uga waramay calaamado cad uu leeyahay ay ku aqoosan-doonaan oo ka mida inu amro samaanta oo reeba xummaanta, wuxuu ogolaada waxyaabaha wanaagsan oo ka reebaya wax-yaabaha xun, oo kuwa rumeeya oo raaca ileyska lala soo diri-doono( Quraanka) waa iyaga kuwa liibaani-doona.

Waxaa laga soo wariyey Nabi mmaxamed SCW inu yiri: Aniga waxaan ahay ducadi Aabahay Ibraahim, bishaaradi walaalkey Ciise, oo markii ibraahim dhisay Kacbada waa u duceeyey isagoo leh: Rabiyow! ka soo saar dhexdooda Rasuul ka mid ah.

Markii u Ciise yimid Rasuulkii u dambeeyey ahaan reer bani israaiil, wuxuu jeediyey khudbad isagoo sheegaya in nabinimadi dhamaatay xaga reer bani israaiil, una rasuulkii u dambeeyey rususha iman-doona isaga dabadi, isagoo laga soo saari-doono ummada reer carbeed, kaaso magaciisa ahaan-doona Axmed ( ah maxamed)
Ciise CS, waxaa la soo diray waqti ay dadku ku sareeyeen fanka sixirka iyo cilmiga daawada, oo markaas isaga xag alle laga siiyey buskeynta qof ku dhashay indho la'aanta ama baraska iyo wax la mida, wuxuu sido kale galinaayey nolol meydka.

Laakiin qaar ka mid ah reer bani-israaiil baa aad uga horyimid, oo diideen xujooyinkii cad cadaa ee u la yimi kuna tilmaameen wixiisa iney yihiin sixir iska cad, dabadeed ku direen boqoradi waagaas midkood oo ka siiyeen warar aan run ahayn, waxay sameyeen qorshe si loo dilo, laakiinse Alle baa ka koriyey oo ka badbaadiyey sharkoodi, wuxuu u qaaday kor xagiisa oo u ekeysiiyey ciise nin ka mid ah qoonkiisi oo isaga basaasaayey, markaasey u maleeyeen Ciise oo dileen oo daldaleen .. Ciise cs, waxaa la siiyey injiilka isagoo sodon jir ah, waxaana la qaaday isagoo sodon iyo iyo sadex jir ah.

Tawreedka waxaa la soo dajiyey 6-dii bisha Ramadaan, zubuurna waxaa la soo dajiyey 12-kii Ramadaanka (afar boqol iyo sideetan iyo labo sano kadib towreedka) .. injiilka waxaa la soo dajiyey 18-kii ramadaanka. (kun iyo konton sano kadib zabuurka) .. quraanka waxaa la soo dajiyey 24-tii Ramadaanka