Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Nabi Saleemaan CS Iyo Arooskii U Ka Baaqday

Monday - May 2, 2016



Maalin maalmalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabi Saleemaan CS Aaday Aroos Qaraaba ah si uu uga qayb galo, isagoo si socda ayaa waxaa ka hor yimid Malku-Mawt wuxuuna weydiiyey halku u socdo? Nabi Salemaan CS wuu jawaabay: waxaan u socda aroos qaraabo ah. markaas ayuu Malagi yiri;  Ma waxaad u socta aroos aan hadda nafta ka soo jaraayo?
Nabi Saleemaan CS, wuxuu qalbiga iska yiri; ma meel laga faraxsanyahay oo murugo isku badaleysa ayaad aadeysa. durbadiiba wuxuu go'aansaday inu isaga laabto gurigiisa wuuna laabtay.

Subaxdi markii waagi baryey ayuu Nabi Saleemaan reerkii booqday, wuxuuna la kulmay Aabaha dhalay wiilka arooska ah. wuxuuna aabihi weydiiyey nabi Saleemaan sababta uu xalay u imaan waayey arooska.

Intuusan Nabi Saleemaan ka jawaabin ayaa waxaa goobti yimid Malku-Mawt, markaas ayaa Saleemaan CS weydiiyey sida wax u dhaceen.  Malku-Mawtkii ayaa ku jawaabay: ilaahay SW ayaa amray inaan soo laabto oo ka noqo hawshi la ii diray. taasna waxaa sabab u ahaa in islaan miskiin ah oo reerka arooska duleed-keeda joogtay uu wiilka arooska ah aabihii uu si wanaagsan u sooryeeyey oo ka farxiyey, isla markaana ay islaanti ilaahay uga bariday in arooska ilaahay cimri dheer iyo nabadqab yeelo, taaso ilaahayna u aqbalay ducadi islaanta miskiinta ahayd. reerkiina ka badbaadiyey masiibadii ku soo socotay.
Nabi Salemaan CS Iyo Aabihii Wiilka Arooska dhalay ayaa Alle weeyneeyey oo si wada jira alle ugu xamdi-naqeen
Wabillahi Towfiiq .. Waxaa Qoray Macow Ustadd