Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Xidigi Lagdinta Olympic Wrestling Ee Dalka Ukrine Oo Miyirka U Saxay 7 Askari Oo Damacday Iney Qabasho ku Sanduleyaan

Sunday - May 1, 2016



Kiev- Ninka La Yiraahdo Oliynyk oo sanadkii 1996-kii bilada dahabka ah ee Lagdinta - wrestling ugu guulaystay dalkiisa Ukrine, ciyaarihii Olympic-da ee Atlanta, ayaa boolisku isku dayeen iney si duulaan iyo jajuub ah ku qabtaan

Hasa ahaate Xidiga legdinta-musaaracada loo aqoonsan-yahay ee dalka Ukraine, Vyacheslav Oliynyk ayaa u babac dhigay dagaal adagna la galay todoba askari oo ka mid ah booliska dalkiisa, halkaaso feer iyo legdin intaba la is dhaafsaday u ka guulaystay oo todobadiiba dhulka dhigay dhakharana gaarsiiyey ilaa ay markii dambe ay u isticmaaleen sunti basbaaaskoodi ay indhaha uga shubeen .. goobta dagaalku ka dhacday waa bartamaha caasimada Kiev .. Boliska ayaa ku andacooday in xidigu si basar xuma ah khamri u cantuugay oo sakhraamay, isla markaana ka gadooday amarki poliska ee ahaa in la kaxeeyo, balse halkii u ka raaci lahaa u dhakada iyo daanka ka garaacay poliskii illa ay indhaha casaadeen