Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qybti Labaad Ee 99-ka Magac Asmaaul- Xusnaa Ee ilaahay iyo Ahmiyadooda

Saturday - April 30, 2016



Waa Qaybti Labaad ee sagaashan iyo sagaalka Magacyada Wan-wanaagsan Ee ilaahay ( Asmaaul Xusnaa) Iyo Ahmiyadooda

6-As-Salaamu: Yaa Salaamu, isagoo leh qofkii 160 jeer, magacaan ku celceliya ama 115 jeer, kuna akhriya qof buka wuu ku caafimaadayaa, qofkii markasta ku celceliya ilaahay musiibo oo dhan ayuu ka nabad galinayaa

7-Al-Mu'minu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 631 jeer. cabsi iyo dhibaato korkiisa iyo ruuxadiisaba ilaahay wuu ka nabadgaliyaa .. Inshaa-Allaah

8- Al-Muhayminu: Yaa Muhayminu. isagoo leh qfkii mayrta oo tukada labo rakcadood oo magacaan ku celceliya 100 jeer, oo aad ugu dadaala ilaahay weyneyntiisa wuu u hagaajinaayaa muraadkiisa .. inshaa alaah

9-Al-Caziizu: Yaa Caziisu, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 41 jeer salaada subax ka dib, ilaahay khalqiqiisa wuu ka deeqayaa fadeexad-ceeb,  kadibna sharaf buu helayaa .. Inshaa-alaah

10- Al-jabaaru: Yaa Jabaaru, isagoo leh qofkii magacaan ku celceliya 226 jeer, waligii lama dulminaayo lagumana amar ku taaglaynayo lagumana qasbayo wuxuusan raali ka ahayn sirtiisana ilaahay kama fashlayo .. inshaa- allaah

11- Al-Mutakabiru: Yaa Mutakabiru, isagoo leh Qofkii magacaan ku celceliya wuxuu helaya aqooni sharafeed, haddi tilaabo kasta oo uu qaadayo u ku bilaabo magacaana wuxuu ka gaarayaa guul waxaas uu ku bilaabay .. Inshaa-alaahu

12- Al-Khaaliqu: Yaa Khaliqu, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 100 jer, maalinkasta todobo beri isagoo aan kala goo-goyn, ilaahay wuxuu u yeelayaa malag u shaqeya qofkaas illaa maalinta aakhiro, camalka wanaagsan ee u malagaas sameeyana waxaa ls siinayaa qofkaas .. inshaa alaah

13-- Al-Bari'u: Yaa Bariu iyadoo leh haddi Naag dhali-wayday ay soonto muddo 7 beri ah maalinkastana ay ku afurto biyo ay ku akhrisay magacaan 21 jeer, ilaahay wuxuu siinayaa ilmo .. inshaa-alaah

14- Al-Musawiru: Iyadoo leh Yaa Baariu, Yaa Musawiru haddi ay haweyney ilmo la'aani ku dhacdo oo dhali weydey intey 7 beri soonto oo maalinkasta marka ay afureyso ay ku celceliso labadaan magac 42 jeer oo ay ku tufto galaas biyo ku jiraan oo ay ku afurto marka ay afureyso, ilaahay wuxuu u qadaraya ilmo .. inshaa-allaah.

15- Al-Ghafaaru: Yaa Ghafaaru, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 100 jeer, salaada jimce kadib ilaahay ayaa ka masaxaya dambiyadii u sameeyey, qofkii yiraahda Yaa "gafaar ighfrli", ilaahay wuxuu ku daraya kuwa u xoreeyey .. Inshaa -allaah

16-Al-Qahaaru: Yaa Qahaaru, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan wuxuu ku guuleysanaya xakameynta naftiisa, qalbigiisina wuxuu ka saahidayaa dhalanteedka dunida, wuxuu helayaa nabad iyo jaceylka Alle oo qalbigiisa ku abuurma.

17- Al-Wahaabu: Yaa Wahaabu, Qofkii yiraahda isagoo la ildaran faqri iyo gaajo oo ku celceliya magacaan markasta ama uu yiraahdo magacaan 40 jeer, sujuuda ugu dambeysa salaatu duxa ilaahay wuxuu kaga qaadaya faqriga, baahida iyo macaluushaba  .. inshaa-allaah

18- Ar-Razaaqu: Yaa Razaqu, isagoo leh qofkii magacaan 10 jeer kaga akhriya dhinackasta oo gurigiisa ka mid ah, isagoo ka bilaabaya dhanka midig qibladana u jeesanaya salaada subax ka hor ilaahay albaabada risiqa ayuu u furayaa faqri iyo cudurna guriiiisa ma soo galayaan .. Inshaa-Allaah

19-Al-Fataaxu; Yaa Fataaxu, isagoo leh qofkii labadiisa gacmood laabta saarta salaada subax kadib oo magacaan akhriya 70 jeer qalbigiisa waxaa ka buuxsamaya nuur iyo iimaan qofkii si joogto ah u akhristana ilaahay faraj buu u furayaa wuxuuna siinayaa guul .. inshaa- allaah.

20- Al- Calimu: Yaa Caliimu, isagoo leh qofkii ku celiya magacaan ilaahay wuxuu u furayaa albaabada aqoonta iyo xikmada waxaana qalbigiisa laga buuxinayaa garashada ilahey .. Inshaa-Allaah

21- Qaabidu: Yaa Baasidu, Qofkii magacan ku kor akhriya miro la cuno dushood oo cuna joogteeyana muddo 40 maalmood ah, ilaahay wuxuu ka ilaalinaayaa gaajo, haraad, xanuun iyo wixi la mida .. inshaa-Allah

22-Al- Baasidu: yaa Baasidu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 10 jeer, waqtiga salaatu-duxaa, kadib isagoo sacabada sare u taagaya ka dibna ku masaxaya wejiga ilaahay dadka kale wuu ka deeqayaa qofkuna waa inu maalin kasta akhristaa .. Inshaa-Allaah

23-Al-Khaafidu: Yaa Khaafidu, isagoo leh qofkii sooma sadex beri ee maalinta afraad ku celceliya magacaan 70 jeer oo xiriir ah, ilaahay wuxuu ka nabad galinayaa dhibaato cadowgiisa uga timaada qofkii maalinkasta 500 jeer yiraahdana ilaahay wuxuu u oofinayaa amuurtiisa oo dhan .. inshaa Alaah

24- Ar-Raaficu: Yaa Raaficu, isagoo leh qofkii ku celceliya magacan 101 jeer, habeenada cad cad ee dayaxa 13,14, 15 ilaahay magaciisa iyo sharaftiisa kor buu u qaadaya wuxuuna noqonayaa mid tanaad ah oo ahmiyad gaara leeh .. Inshaa - Allaah

25-Al-Muciz: Yaa Mucizu, isagoo leh Qofkii ku celceliya magacaan 40-140 jeer, salaada maqrib ka dib habeenada isniinta iyo jimcaha wuxuu akhristuhu heli-doona ixtiraam, ilaaheyna wuxuu indhaha daka u saarayaa haybad, qof aan alle ahayna kama baqayo .. inshaa- Allaah
        La Soo Qaybta Dambe Ee Asmaa-ulaahi Xusnaa Todobadka Dambe