Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Shiikh Maxamed Idriis Oo Maanta La Horgeynaayo Maxkamad Ku Taal Mareykanka

Tuesday - April 26, 2016



Maxkamad ku taalla Wadanka Mareykanka ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu Maxkamadeeyo Sheekh Caanka ah ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Idiris.

War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebooka Sheekh Maxamed Idiris ayaa waxaa uu Ummadda Soomaaliyeed ka Codsaday in ay u soo Duceeyaan islamarkaana ay ku garab istaagaan Arrinta la Xariirta Maxkamadeyntiisa.

Sheekha ayaa sheegay in waxa loo haysto ay tahay Muslimnimadiisa,balse aysan jirin wax dambi ah oo uu galay.

Dacwad Oogeyaasha dambiga ku soo oogaySheekh Maxamed Idiris ayaa ku Eedeeyay inuu Taageero Kooxo Argagixiso ah, hayeeshee ma ahan Markii ugu horeysay oo Maxkamado ay leeyihiin Reer Galbeedka la soo taago Culimo Soomaaliyeed oo ay ku Eedeeyaan Falal Argagixiso in ay ku lug leeyihiin.