Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Warkii U Dambeeyey Dagaalka Ka Socda Xadka Galmudug Iyo Ismaamulka Somalida Itoobiya

Monday - April 25, 2016



Cadaado - Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo Deegaanada Xadka u dhaxeeya gobalada Galguduud Somalia iyo Doolo ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka soo jeeda dhinaca Galmudug oo ilaa xalay ka soo baxayey deegaanada Mudug iyo Galguduud ay saaka aroornimadii hore weerar dhawr jiho ah ku qaadeen ciidamada Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Daacdheer ee gobalka Doolo.

Wararka ayaa tilmaamaya in maleeshiyadaas oo dooneysay in ay jabiso cududa ciidan ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya hadda dib loogu soo celiyey xadka somaliya, hadeerna uu dagaal ka socdo deegaanada Galmudug meelo ka mida oo ay soo galeen ciidamada Amniga ee Itoobiya.

Saraakiisha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warkoodi ku sheegay in lagu soo duulay saaka, isla markaasna ay dib iskaga soo caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday oo ay ku eedeeyeen Galmudug, Al- Shabaab & Maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Habar-gidir.isla, hasa ahaate dhinaca bulshada habargidir ayaa iyagana ka sheegtay cidamada poliska is-maamulka in ay dadkii u badnaa maatada ay gumaadeen

Galabtay wararkii ugu dambeeyey waxay shegeeen in ciidamada Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay hadda sugayaan xaduuda labada dal u dhaxeysa, isla markaasna sugayaan amaanka deegaanadooda, kadib markay dib u soo celiyeen kooxihii weeraray saaka iyo shalayba.