Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

China Oo Ku Dhaw Iney Mareykan Ku Tiraah "Car Juq Deh" .. Mareykan Oo Ka Qaracmay High Speed Missiles Oo Ay Tijaabisay China

Friday - April 22, 2016



Milatariga China oo aad moodo inu ka soo baxay jawgii aamusnaanta ayaa dhawaanta tijaabiyey gantaal hypersonic missile high speedd aan waabaneyn horay loo arkin amase la maqlin oo sida la sheegay sodon daqiiqo gudahood cirka iyo dhulka isku soo dhaweynaaya goob kasta oo ku taal mareykanka gaari-kara, isla markaana shuf ka dhigi-kara arlada idil ee Mareykanka .. Gantaalkaas oo la arkaayey isagoo bidhaantiisa hawada yuus-yuusaya oo maalinti taladada chinuhu tijaabiyeen ayaa mareykanka galisay naxdin dar-dar leh, hasa ahaate qirtay in noocaan saaruukha u yahay mid daqiiqdo kooban qaaradaha aduunka isaga gooshi-kara oo barta loogu talo galo aan gafeyn, wax qaban-karana ma jiraan maalintey runta gaarto

Sida ay sheegeen wasaarada gaashandhiga ( bentagon) waxaa gantaalkaan awooda inu xambaaro 6-10 madax" war heads" oo baaxadiisa qarax midkiiba gaareysa illa 10 kun oo Km. waxaa warku intaa raacinaya in sabaabaha tijaabiska noocan saaruukh u la xariiro qulqulaato maalmahaan ka dhex aloosan mareykanka Iyo Chinaha gaar ahaan muranka ka jira xaga konfurta bada china .
dhinaca kale ruushka oo isagana dhuxulaha dabka la wareegaya, ayaa lafahaantiisa horay u tijaabiyey gantaal loogu magac daray Sarmat oo la mida nooca gantaalka chinaha.