Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

iimaan La'aanta Waa La Kala Qaada .. iimaanka Cawaran Ee Qurbaha Laga Dhaxlay Ayaa Wadankii Lagula Galgashay Oo Dhallinti Isu Maqiiqtay Afka Nabari Gaajoonaya

Thursday - April 21, 2016



Su'aal Bulshada dhex taal ayaa oraneysa: "Maxaa noo dhexeeya anaga qurba jooga ah iyo dadka waddankii jooga, ma inteeni sida xun u fekeri jirtey ee qulub-u-nugaylka lahayd ayaa waddanka ka soo baxday oo dibada timi, mise intii wacnayd baa wadankii ku hartay, illayn waxa ay ahayd in arrintu sida kale u dhacdo oo qofka waddankii jooga ee dhibku haysto qulubsanaado, anaguna qurbo jooge oo aan haysano noloshi aasaasiga ay ahyd inaan farax-sanaano

Waxaa horay loo aqoonsaday in dadka qurbaha ku nool xagga " iimaanka" ka cawarmeen oo xanuun nafsaani ah ayaa had iyo jeer intoodi badneyd wajiyadooda ka muuqda. waxayna ku jiraan wax la yiraahdo "ku sii dar" sida gaari qurux badan iibso, guri weyn yeelo, kuraas iyo salooto iibso, dalxiis u bax, dharka hadba kii u dambeeyey iibso iyo wax la mida,  walaalkayga dalkii joogaana ku nool yahay  "iimaan Allaa uur buuxsha" iyo rajo ah " waa la doogiye yaan la dacaroon".
 
iimaankii aan weheshan jirey aniga oo 15-jir ah ayuu weli kaa wadanka jooga weheshanaya isagu oo farxadda iyo riyaaqa si wacan uga muqato .. mr. qurbo joogana maankiisa ruxmay awgeed waxaa cawarmay iimaankaas oo walwal iyo qulub ayaa haleeshay

Xaqiiqada dhulka taalla bal eega ee hoosta ka xarriiqaysa sida iimaankaas cawarmay ee qurba-joogu uu ugu dhoofay ee inta fiday waddankii galaafanayo oo boqollaalka dhallinyaro ee magoolkii maanta iyo mustaqbalkii berrito ee ummaddan qorshe la’aanta iyo dawlad xumaanta 25-jirsanaysaa isu raaceen.

Iimaanka cawaran ee qurbaha laga dhaxlay ayaa waddankii lagula galgashay oo dadkii waddankooda ku iimaan qabi-lahaa lagu daartay oo si doqoni ma garato ah loo qaadsiiyey.

Taasina waa qodob ka mid ah sababaha lafdhabarta u ah is biimaynta iyo is miidaaminta tahriibeed ee lama-degaannada hanfiga iyo kulaylka loogu le’do iyo isku maqiiqa afka nibiriga gaajoonaya ee baddaha waaweyn ee tarabtarabka loogu le’anayo.

Ta ugu daranina waa in ay tahriibtii noqotay il ganacsi oo suurwaalo loo gashado oo Garowe, Bosaaso Hargeysa, Boorame iyo Burco xafiisyo looga furto .. Bal u fiirso hal-ku-dhegyada suuq-geyneed ee caqliga dhallinyarada lagu xadayo: "Tahriibayaasha Maantu Waa Qurba-jooggii Berrito!" Qorba-joognimadii ayaa wax la higsado oo lagu hirto loo sawirayaa!

Waa taas masiibada ugu weyn ee dhallinyarada maankooda xadaysaa. Waxa ay arkayaan kuwa u yimaada ee lacagta sarsarrifa ee is qaadqaada ee aanay dhallinyaradu ogayn sida ay lacagtaas ku soo kasbadeen ama ku soo heleen.

Waxa taas ka sii daran marka ay social media-yaha (sida facebook) ka daawadaan sawirrada hebelladii tahriibta ka badbaadey ee shalay iyo dorraato ka dhoofay oo jardiinooyin qurux badan iyo daaro dhaadheer isku soo sawiray oo golxo iyo tuuro isu yeelaya, tiiyoo ilaahayna og yahay xaaladda dhabta ee ay ku nool yihiin iyo waxa qulub iyo qas maskaxeed oo xasillooni darro ah ku oogan.

Si guud marka loo eego, arrintan tahriibtu waa mas’uuliyad si loo kala badsadoba la wada leedahay: maamulada dawladda, waalidiinta iyo ehelka dhallinyarada, qurbajoogga iyo wixi la mida. Sidaas awgeed, xalkeeduna waa arrin guud oo la wada yeelanayo si waajibaadka loo kala badsadoba: maamulada dawladda, waalidiinta iyo ehelada dhallinyarada, qurbajoogga iwm.

Waxa arrin muhiim ah iyana u muuqata in ragga iyo haweenka arrintaas (tahriibta) ka baayac-mushtaraynaya la qab-qabto oo ciddii lagu helo ku foognaanteeda xarig muddooyin dheer ah caasha loo geliyo, ganaaxyo badanna la saaro.

Waddamada Yurub waxa la tilmaamayaa in ay jiraan dad iyana arrintaas ku mashquulsan lacagta ka ururiya, kana dira, kuwaasna waa in la baaraa, loona gudbiyaa hay’adaha ku shuqulka leh.

Waxa kale oo quman in baaritaanno cilmiyeed laga sameeyo sababaha kala duwan ee daba ka riixaya tahriibta, maamuladana markaas samayso qorshe jihayneed iyo wacyi-gelineed oo ku beegan dhallinyarada, waalidiinta, qurbajoogga iwm, si loo helo xal rasmi noqon kara oo yarayn kara tahriibtan oodaha jabsatay.