Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Yaa Ka Dambeeyey Warbixinti Turkish Airlines Uga Baaqatay Mogdisho

Thursday - Feb 11, 2016



Shirkadda duulimaadka Turkish Airlines ayaa duulimaadkii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho baajisay sedex maalmood ka hor, intii aysan dhicin qaraxii lala beegsaday diyaaraddii Daallo Airlines labadi Febraayo, iyadoo arrintaan ay ka danbeysay digniino dhinaca amaanka ah oo laga helay ilo sirdoon oo ku xiran dowladda Ingiriiska iyo reer galbeedka.

Warar xuuraan ah oo la helay ayaa sheegaya in xubin sirdoonka Ingiriiska {MI6} u shaqeeya oo ku sugan magaalada Muqdisho inuu warbixin ku bixiyay in weeraro hoobiyeyaal iyo kuwo qaraxyo ah laga fulin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana laba maalin kadib oo ku beegneyd kowdi Febraayo hoobiye lagu soo garaacay agagaarka xarunta Madaxtooyada.

Shirkadda Turkish ayaa baajisay markii warbixintaasi lagu wargeliyay, waxaana sedax maalin kadib ay aheyd markii hawada lagu qarxiyay Daallo Airlines, inkastoo warbixintaasi lala wadaagin sirdoonka dowladda federaalka Somalia iyo shirkaddaha duulimaadyada kale ee ka howlgala Muqdisho.

ilaha sirdoon ee ku sugan magaalada Muqdisho oo warbixintooda ay rumeysan yihiin hay’addaha sirdoon ee dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa haboonaan laheyd in ay shaqsiyaadkaasi dowladda ka war qabto lana macaamilaan, maadaama hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka aysan u tababarnayn howlaha loo igmaday.
Muqdisho ayaa waxaa ku sugan muwaadiniin Soomaaliyeed oo haysta jinsiyadaha dalalka Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale kuwaasi oo sida la sheego sirdoonada qaarkood la shaqeeya.