Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

ilowshiyaha Dadka Gabooba Lagu Yaqaanay Oo Aad Ugu Batay Dhallainyaradi Iyo Sababta .. By Nageeye Maxamed Xasan

Wednesday - Feb 10, 2016

Waxaan ka hadlayaa hilmaanka iyo ilowshaha ku dhaca dadka dhalinyarada ah ee kama hadlayo kan da’da la xiriira ama gabowgu keeno intabadan.

Waxaan ka hadlayaa hilmaanka iyo ilowshaha ku dhaca dadka dhalinyarada ah ee kama hadlayo kan da’da la xiriira ama gabowgu keeno intabadan.

Waxaan ka hadlayaa hilmaanka iyo ilowshaha ku dhaca dadka dhalinyarada ah ee kama hadlayo kan da’da la xiriira ama gabowgu keeno intabadan..

Xasuusta marka hore alle ayaa bixiyo isagaane kaa qaadi karo, kuuna soo celin karo waa in aad marka hore rumaysaa arrintaas, midda xigta ma jirto wax daawo ah oo loogu tala galay in qofka hilmaankiisa lagu xalliyo, midda sadaxaad xaaladaha hilmaanka ugu badan ee ka sheegtaan dhalinyarada waa xaalado kumeel gaar ah oo laga gudbo badanaa.

Ogow haddii aad isku aragtid in aad wax xifdin la’dahay ama waxaad xifidisay in aad soo xasuusan wayso taasi macnaheeda ma ahan in cudur xasusuta lumiyo kugu dhacay sida Alzheimer-ka oo kale,
Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid noqon karo laakiin waxaa ugu caansan 5 arrimood, kuwaas oo kala ah:
1: Hurdo yarida ama Hurdo la’aanta: Ilaahay wuxuu ugu talagalay in unguyada maskaxda ay nastaan markuu qofka soo daalo ama uu soo jeedo muddo, haddii qofka dhafar uu galo ama hurdo uu waayo siday rabto ha ku timaadee, waxaa yimaado hilmaan iyo xasuus la’aan ama wax xifdin ama qabasho la’aan,
2: Daawooyinka qaar waxay keenaan hilmaan ama ilowsho, waa in aad dhakhtarkaaga kala tashataa daawooyinka aad qaadanaysid in ay saamayn kugu yeelan karaan, waxaa ka mid ah daawooyinkaas kuwa dhimirka, kuwa gaaska, kuwa hurdada, kuwa dhiig-karka, kuwa hargabka iyo samboorka ama qufaca.
3: Mukhaadaraatka iyo maandooriyayaasha sida khamriga waxay ugu horeeyaan waxyaabaha xasuusta iyo hilmaanka keeno.
4: Welwelka, Fakarka iyo Diiqada waxay qeyb wayn ka qaataan ilowshaha iyo hilmaanka, waana sababta ugu badan ee dhalinyarada aan balwada lahayn u keento, dhalinyaradu waxay dareemaan markuu imtixaanka soo dhaw yahay in aysan waxba xifdin karin tanoo kalo waa welwelka uu ka hayo imtixaanka iyo cabsida ay ka qabaan ayaa keensanayso inay wax xifdin kari waayaan.
5: Daawadashada filimaanta xunxun, waxaa la arkay dadka balwada u tahay dawashada filimaanta jinsiga in ay ka dhaxlaan maqnaansho iyo hilmaan, taasoo loo saariyo in unugyada maskaxda dareenka ay si xad dhaaf ah oo joogto ah u shaqeeyaan, tanoo keenayso in maskaxdu ay ku jirto xaaladaas muddo badan, qofkane ay u keeni karto stress, hurdo qaraw leh iyo hilmaan, waana arrin ku badan dhalinyarada..
Talo: Fadlan ku dadaal alle ku xirnaanta, akhriso quraanka, alle waydiiso inuu hilmaanka kaa qaado awooda xifdintane kuu kordhiyo, kana fogow waxyaabaha alle ka caraysiiyo oo sida aad u jeedidba ay tahay asbaabaha ugu badan ee keeno arrintaan taasoo loo fasiran karo ciqaab xag alle.
Waxaan soo xasuustay sheeko hadda ka hor dhex martay Imaam shaafici iyo arday ka mid ah ardaydiisa oo ka sheegtay wax xifdin la’aanta iyo hilmaamayo casharada uu imaam shaafici u dhigo, wuxuu ugu jawaabay: ka fogow macsida lle, cilmigu waa nuur, rabina nuurkaas ma siiyo qof ku caasinayo.
Marka aan qaadano talada caafimaad ee imaam shaafici Ina siiyay alle ha u naxariistee.kuna dhaqano xusuusta ayaa inoo hagaagi insha allaah
Nageeye maxamed xasan]-0634101310
[email protected]