Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Nabadsugida Fedaraalka Oo Mogdisho Lagu Dilay

Saturday - Feb 6, 2016

Muqdisho - Labo sarkaal oo ka tirsan federaalka Somaliya ayaa maanta lagu kala dilay degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobalkan Banaadir ee caasimadda Muqdisho.

Xaafadda Siliga ee dariska la ah safaaradi merikaan-ka ee degmada dinaca wadajir-Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay taliyihii ciidanka nabadsugida federaalka ee degmadaasi, Waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi-Dabaasha.

Dilka sarkaalkan ayaa yimi kadib markii dablay hubaysani ay baabuur dhexdiis kasoo toogteen taliyaha, kuwaasi oo gaariga sarkaalka ku hor-gooyay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca raaxada.

Sidoo falkan oo kale ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Say-biyaano , waxaana howl-galkan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hey’adda nabadsugidda dowlada federaalka Somaliya.

Raggii fuliyay labadaan weerar ayaa la sheegayaa inay si nabad ah uga baxsadeen goobihii ay falalkan ka geysteen oo ka kala tirsan degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ee gobalkan Banaadir ee caasimadda Somaliya ee magaalada Muqdisho.