Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Qiso: Gabadhi Malagu Ka Naxay

Sunday - January 31, 2016



Qisadani waxay dhacday waqtiyadii ay noolaayeen ummadihii hore, waxaanay ku saabsan tahay gabar socoto ahayd oo meel cidla ah iyada oo maraysa ay u dhamaatay waqtigeedii noloshu,

Gabadhu,waxay dhabarka ku sidatay ilma yar oo bilo kooban jirey, dabadeed malagii nafta ka qaadayey wuxuu ka naxay ilmaha yar ee aanay cidi la socon marka u hooyadii dhinaca aakhiro u kexeeyo,
laakiin wuxuu fuliyey amarkii ilaahay oo naftii ayuu ka qabtay.

Muddo dheer ka dib ayaa loo direy inuu nafta ka soo qaado oday da’ ah oo uu kula kulmay isaga oo UL ka samaysanaya meel Ulaha lagu sameeyo oo u ku leeyahay ii adkee salka usha waxa aan doonayaa inay in badan i haysee.

Malakul-mawdkii wuxuu ku qoslay odayga da’da ah iyo siday noloshu ugu dhamaatay ee haddana u leeyahay muddo dheer ayaan u baahanahay inaan ushan haysto, dabadeed ilaahay ayaa ku yiri Malagii sharaftaydaan ku dhaartaye ninkan kaa qosliyey waa ilmihii yaraa ee aad barigii ka ilmaysay ee cidlada joogay .. subxaana Allah ..  Alle ma dayaco cid uu abuuray kumana ilaaliyo oo keliya waalid iyo inay ciddi la joogto ee ilaalada iyo dayactirkuba dhiniciisa ayey ka yimmaadaan.