Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Cigaal Shidaad Iyo Sheekooyinkiisi Mid Ka Mida

Friday - January 22, 2016



Cigaal Shidaad waxuu ahaa Nin Xaga dhaqanka amase culture-ka Somaalida ku tilmaanaa fuleynimo ( coward) , waxaa kalo lagu sheegaa inu ahaa Nin aan marnaba iyo sinaba si ciyaar ciyaara ku qaadan waxa la yiraahdo Riskis. isla markaa waxuu ku tilmaana Nin bahalada si aan caadi ahayn uga baqa oo marku arko cabsi awgeed dhulku la dhaqaaqo oo inta carara qodxaxa dhex jibaaxa .. Cigaal Shidaad waxuu markasta Raga hortooda kaga faana inu libaaxa dili-karo hadana kuma dhaco inu ka hor yimaado maalinta ay runta gaarto. waxaase la sheegaa inu maalin noqday geesi oo raacay Rag ku balamay iney libaax dad cuna la soo qabto, oo markaas isagu ku cawday oo yiri "war talow maanta naagaha iyo caruurta yaan layga dhex tagin ee aan idin raaco .. Ragi oo Cigaal ka mid ahaa waxaa lagu balamay in Nin walba meeshi ku soo aada u libaaxa ka qabto iskana xajiyo, nasiib daro Cigaal waxaa ku soo aaday qayb ka mida Canka oo afka libaaxa xigta, markaas ayuu qayliyey oo yiri: Rag wax ballan looga baxana ma aha, war bal eega afka iyo canka aan hayo khatarteeda intey isu jiraan .. Cigaal maalintaas baa ugu dambeysay rag u raace iska daaye xitaa inu faano ama meel looga hadlaayo bahalo istaago

Niman Qoraa ah oo Talyaani ah oo loo tarjumay sheekooyinkii Cigaal Shidaad ayaa Ninkaas Cigaal ah ku tilmaamay inu yahay Ninka Somaali qura ee caqli badan ee gartay qiimaha ay naftu leedahay.

Cigaal Shidaad Iyo Geerida: Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cigaal Shidaad ka qayb galay Aas dad badani isugu yimaaddeen .. Raggii Aaska ka soo qayb galay mid ka mid ah oo Cigaal Shidaad ku ogaa in uu mawdka meel dhaw ka arko si aad iyo aad ahna uga baqo geerida ayuu Cigaal Shidaad weydiiyey, " Cigaal Shidaadow in maydka la hor socdo iyo in la daba socdo midkee aamin ah?"

Ninkani su'aasha weydiiyey waxa uu filayey in Cigaal Shidaad baqan-doono oo cabbaar ka fikir-doono labada dhinac ee la sheegay ka aaminka u dhow, laakiin su’aashaas waxa uu uga jawaabay si kale oo xikmad badan, waxa aanu ku yiri, " Halka aad doonto ka soco mar haddii aanad ahayn ka naxashka ku jira.