Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Trump Declares Ruuning War With Media Iyo Warbaahinti Oo Ba'yey Isla Taagtay

Sunday - Feb 26, 2017


Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan sannadkan ka qayb gali doonin cashada sannadlaha ah ee ururka wariyeyaasha aqalka cad.
Tallaabadan ayaa timid ayadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya warbaahinta qaarkeed iyo aqalka cad Jimcihii ayaa tiro hay’ado waaweyn oo kuwa warbaahinta ah, oo ay ku jiraan BBC, CNN iyo the New York Times, waxaa laga reebay ka qayb galka shirarka saxaafadda ee uu qabto afhayeenka madaxweynaha Sean Spicer.

Majalladda Vanity Fair iyo warbaahinta Bloomberg ayaa horeba faraha ugala baxay marti galinta xaflad cashadaas ka dambaysa, taasoo la qabto bisha April, ayagoo sababta ku macneeyey sida uu Mr Trump ula dhaqmayo warbaahinta.
Madaxweynaha ayaa dhowr goor weerar ku qaaday wax uu ugu yeeray warar been ah, isagoo qayb saxaafadda ka mid ahna u nisbeeyey inay yihiin cadawga shacabka Maraykanka.
Muddo ku dhow 100 sano ayaa sannad kasta waxaa caado ahayd in ururka wariyeyaasha aqalka cad ay casho sameeyaan, taasoo uu madaxweynaha xilka haya ka jeediyo khudbad yara jilicsan.