Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haweyney Aduunka Ugu Buuran Oo Waqtigaan Lagu Dabiibaayo Dalka Hindiya Iyo Xaqiiqada Ku Lamaan Qisadeeda

Sunday - Feb 19, 2017


Iimaan Cabdil Caadi waa haweenay u dhalatay waddanka Masar loona aqoonsaday in ay tahay haweenayda adduunka ugu buuran gaar ahaan haweenka taasi oo todobaadkan baaritaan caafimaad iyo daaweyn loogu qaaday waddanka Hindiya kadib markii laga soo dhoofiyey dalkeeda Masar oo ay muddo badan ku tabcaansanayd. 
Miisaanka Imaan ayaa lagu sheegay ku dhawaad 500 oo Kiiloo Garaam waxaanay wakhtigan ku sugan tahay cisbitaal lagu magacaabo Savey Hospital oo ku yaalla Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya kadib markii waalidkeed iyo eheladedu isku raaceen in dalkaasi hindiya loogu soo sameeyo qalliin lagu dhimo miisaankeeda xad dhaafka ah oo halis caafimaad ku haya nolosheedana khatar galiyey. 
Qormadan kooban waxa lagu eegi-doonaa 10 arrimood ama xaqiiqo oo laga diyaariyey Buurnimada iimaan waxaanay kala yihiin:
1. Markii ay Imaan dhalatay waxa la sheegay in culayskeedu dhammaan 5-kiiloo balse markii ay gaartay 11-jir ayay bilawday in ay u buurnaato si aan caadi ahayn.
2. Marki ay Iimaan ku jirtay fasalkeeda 5-aad waxa laga saaray dugsiga kadib markii ay waxba dhigan kari-wayday iyada oo ay sabab u ahayd khalal ku yimid hormoono jirkeeda ah oo u shaqaynayay si aan caadi ahayn kuna sababay buurnidan xad dhaafka ah.
3. Markii ay 15-jir gaartay gabi ahaanba waa ay socon kari wayday oo way gurguuran jirtay buurni daraadeed.
4. 2014 waxa uu culayskeedu gaartay in ka badan 300 oo Kg. xaddiga dufanka dhiiggeeda ku jiray ee batay ayaa ku keenay in faalig ku dhufto kaasi oo hadalka ka xiray sariir yaalna ka dhigay.
5. sannadkii 2015 waxa uu culayskeedu gaaray 500 oo Kg. xaaladeeduna aadbay u liidatay waxaana loo aqoonsaday gabadha haweenka adduunka ugu buuran.
6. isku dayo dhawr ah oo caafimaad oo loo sameeyey dalalka Masar iyo Giriigga kadib waxa todobaadkan loo qaaday dalka Hindiya si loogu sameeyo qalliin iyo daaweyn.
7. Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Hindiya Soshma Suaraj ayaa caawisay haweenaydan oo dalkeeda uga soo saartay viise iyada oo u maraysa safaaradda Masar ee Hindiya.
8. Waxa Iimaan lagu qaaday sariir gaar ah oo loo sameeyey oo ay muddo ku jiifto iyada oo aan dhinacna isku rogayn.
9. Dalka Hindiya ayaa sidoo kale u diyaariyey sariir caafimaad oo qalliinka loogu sameeyo iyo sidoo kale daaweynta laguna baxnaaniyo. Waxa sariirtan isla qaban kara ku dhawaad 20 nin
10. Xaaladda Iimaan Cabdul Caadi ayaa wakhtigan sugan kadib markii loo sameeyey daaweyn iyo baaritaano miisaankeediina laga riday illaa 70 Kg. waxaana loo diyaarinayaa qalliin ay dhawaan gasho.