Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Dawlada iiraan Oo Ka Gadooday Saldhiga imaaraadka Carabta Ay Ku Yeelatay Berbera

Thursday - Feb 16, 2017


Tehran (Foore)- Dawladda Waddanka Iiraan oo dhinac ka ah quwadaha ku hirdamaya siyaasadda Dalalka Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka islaamka farahana kula jira dagaalada ka socda dalal badan oo Muslim ah oo dhibaato badani wakhtigan ka taagan tahay ayaa qooraansaday kana hadlay saamaynta ay manaqadda Geeska Afrika iyo dalalka Jasiiradda Carabta gaar ahaan dalka Yemen ku yeelan karto go’aankii xukuumadda Somaliland Saldhiga Milatari kaga kiraysay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo todobaadkan labada Gole Baarlamaan ee Somaliland qalinka ugu duugeen.

Akbar Maxamed Muqadiri oo ka tirsan Khubarada Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka IIRAAN, gaar ahaan xafiiska Arrimaha dalalka Carabta oo la hadlay Telefishanka Dawladda iiraan ee ku hadla Afka Carabiga ee Al-Caalam, ayaa naqdiyey siyaasadda wax uu ku sheegay “Siyaasad Dab Ku Ciyaarid ah” oo uu ku sifeeyey in ay qaadatay dawladda Soomaalilaand iyo isaga oo si gaar ah farriin ugu diray dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay iyadu masuul ka ahayd bixinta Saldhig Milatari oo Dawladda Imaaraadku ku yeelato sida uu hadalka u dhigay Magaalada Berbera.

Akbar Maxamed Muqadiri oo lagu casuumay barnaamijka Macal-Xadas (Ma’al Hadath) ee Telefishanka Al Caalam ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu saldhigii labaad ka samaysanayo dalalka Geeska Afrika isaga oo sheegay in uu hore saldhig Milatari sannadkii 2015 uga kiraystay dawladda Eretrea gaar ahaan Dekedda Musawac imikana uu heshiis kula galay sida uu hadalka u dhigay dawladda Somaliland oo uu u sii maray Dawladda Federaalka Soomaaliya sidii Imaaraadku saldhig Milatari ugu yeelan lahaa Berbera oo ah marin istaraatiiji ah oo ku yaalla badda cas iyo gacanka cadmeed.

“Imaaraadka oo Sucuudiga ku taageeraya burburinta dalka Yemen waxa uu isku ballaarinayaa saldhigyo ku teedsan Dalalka Geeska Afrika. Waxa uu ilaashanayaa masaalixdiisa gaarka ah isaga oo isu dhigaya in uu yahay cudud awood weyn ku leh dalalka Khaliijka bacdal Sucuudiga kaasoo waxyeelo weyn ku haya Yemen. Soomaaliya oo dhibaato weyn oo amni ka jirto ahna dal sabool ah waxa saldhiggani ka sii dhigi karaa kuwo mashaqo aanay ka bixi Karin lugaha la galay waxaana dawladda Muqdisho ee saldhiggan u fududaysay Imaaraadka laga yaabaa in ay saamayn taban ku yeelato sidoo kale waxa laga yaabaa in ay saamayn xun ku yeelato Somaliland oo Sheegata in ay Soomaaliya ka go’day 25 sano ka hor kuna jirtay amni iyo istiqraar in ay iyana saamayn xun ku yeelan karto xaaladeeda ganacsi iyo nabadgelyo” sidaa waxa yiri Akbar Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan gaar ahaan qaybta Bariga dhexe iyo dalalka Afrika oo la hadlayay Telefishanka Afka Iiraan ku hadla ee Al Caalam oo ah telefishan ku baxa luuqadda Carabiga.