Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Layaabka Duniida .. Hindhiso Sabab U Noqtay In Xabsiga Loo Taxaabo Gabar Magac Weyn Dunida Ku Leh

Thursday - Feb 9, 2017


Wixii aad maqashaaba wixii kale ka darane.. Haweenay caan ah oo dunida laga yaqaano oo loo xiray hindhiso kali ah inkasta oo warbaahintu sheegtay in ay haweenaydani markii ay hindhisadu qabatay ay si ula kac ah nin wajiga ugaga hindhistay.

Haweeneeydan ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay si ula kac ah ugu hindhistay wajiga nin sharci yaqaan ah taasoo keentay inuu wajiga ninkaas sharci yaqaanka ah ku firdhado duufkeedu, waxaana la dhigay saldhiga Will County Courtroom oo ah xabsi la dhigo dadka edeb-darrada sameeya kaasi oo sheekadoodu noqotay arrinkii loogu hadal hayn badnaa warbaahinta caalamka.

Sida uu baahiyey telefishanka caanka ah ee Sky News Falkan waxaa sameysay gabar lagu magacaabo Mellissa Estelle oo 24 sanno jir ah, isla markaana caan ka ah Channahon, gaar ahaan xaafadda Illinois, waxaana la dhigay xabsiga, sida laga soo xigtay Joliet Patch waana haweenay guud ahaan dunida gaar ahaanna mareykanka, kanada iyo Ingiriiska si weyn looga yaqaano.
Estelle ayaa muddo lix saacadood ah ku jirtay xabsigan, wuxuuna sidoo kale ninkan sharci yaqaanka ahi ku soo eedeeyey inay ka diiday amarkiisii ahaa inay lugaheeda ka qaado kursiga. Ka hor inta aanay ninkaan kaga hindhisin wajigiisa iyadoo ka dibna duufkeedu wajiga ninkaasi ka gaaray taasi oo ciidamada boolisku ku tilmaameen fal anshax xumo ah oo karaamada aadmaha ka soo horjeeda iyo xaqiraad ay ninkaa u gaysatay.
Si kastaba ha ahaatee, qoyskeeda ayaa soo daayey gabadhan lix saacadood oo xabsi ah ka dib markii ay bixiyeen qiimo lacageed dhan 1000 ginni oo ganaax ah.