Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Saadaashi Inkaaraha Ee Nebi Muuse CS Marku Ka Quustay Qoonkii Caasiyey Ee Reer Bani Israaiil

Saturday - January 21, 2017


Waxaa Alle noo sheegay in muddo dheer ay reer binu Israaiil ku noolaayeen Masar ahaa-yeenna kuwo addoommo ah oo la addoonsado.
Si kastaba ha ahaatee, iyagu nabi Muuse ka hor dhib bey ku jireen mana ay lahayn hogaamiye, mana aysan haysan magaalada Qudus- Juresalem .. muddaddii nabi Muuse loo soo dhiibay fariimihi ilaah una dhex joogay reer binu Israa’iil,waxaa bilaabatay in ay arkaan Barakooyinkii loo ballanqaaday. Waxay ahaayeen awood caalami ah iyo bulsho heer sare ah, waxay lahaayeen dhaqan, xadaarad iyo macbad. 

Laakiin reer bani israaiil ma aysan dhageysan farimihii nabi Muuse ee loo soo diray, sdaa daraadeed ugu dambeynti ku dhawaad 600 sano taariikhdi milaadiya ka hor, waxaa reerkii ku soo degtay oo u timid lacanad nabi Muuse sheegay iney dhici-doonto, oo micnaha waxaa lagu saladay Boqor awood badan reer faaris-iiraan ah oo la oran jiray Nebukadansar.
 
Laakiin intaan halaaga nacaladaa dhicin amase waqtigi Nabi Muuse kadib nebiyo badan ayaa Reerka loo soo diray, maxaa yeelay, reer binu Israa’iil waxaa aad ugu batay musuqmaasuq, caabudaya Sanamyo, oo waxay ku caasiyeen Tobanka Ammarkii Muuse loo soo dhiibay.  Markaasuu ilaah u soo diray nebiyo si ay ugu digaan oo u xusuusiyaan in lagu Lacnaday habaarkii nebi Muuse oo uu iyaga ku soo kor dheci-doono.
 
Waqtigi Nabi Muuse CS marku arkay xaalada msuq-maasuq ay Reer bani israaiil ku jiraan, wuxuu si saadaal ah ugu sheegay qoomkiisi in aakhirka Nacalad ku dhici-doonto oo dhibaatadaan ay soo mari-doonaan oo sidaan u dhacaya:

"Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn, oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka iyo dhalaanka aan maamuusin una nixin .. oo dadkaasu waxay cuni-doonaa miraha xoolihiinna iyo miraha dhulkiinna, ilaa aad baaba’daan, oo weliba idiin kagama tegi-doono haruur, saliid, iyo dhasha lo’diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.  oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn-doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay ka soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan"
“ Waa laydin ka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin-doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi-doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowa-yaashiin toona.
“ Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinuna ma nasan doonto, sido kale Rabbigu wuxuu halkaas idin ku siin-doonaa qalbi-gariir, iyo indhabeel, iyo naf dulloobid.” Markaasay quruumaha oo dhami oran-doonaan: Maxaa yeelay, iyagu waxay ka tageen ballankii uu Rabbiga ilaaha u awowa-yaashood la dhigtay markuu ka soo bixiyey dalkii Masar”
Tani waa sahan taariikheed calaamad muhiim noogu ah si loo qaato digniinaha Nebiyadda si dhab ah – tani waa taariikh ku saabsan 2000 sano ka hor .