Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

The Noble Quran .. Faaiidooyinka Mucjisada Ah Ee Waqtiga U Qofka Si Seexanaayo Ka Heli-Karo Dhageysiga Qur'aanka

Friday - January 13, 2017


Qur’aanka Kariimka ahi waa Kitaabkii iyo qawlkii ALLAH (SWT), Qur’aanku waa mucjiso ilaahay SWT ku galladay Nabigeennii Muxammed NNKHA oo uu gaar u yeelay iyada oo nabi kasta ilaahay mucjiso siin jiray marka uu soo dirayo, taasoo ilaahay SWT mucjisadii nabi Maxamed las oo raaciyey ka dhigay Qur’aanka Kariimka ahi. waana Kitaabkii ugu dambeeyey ee ilaahay SWT dunida u soo dejiyo oo aan lahayn inxiraaf sida lagu sameeyey kutubtii dhiggiisa ahayd ee Injiil, Tawtaar iyo Zabuurba.

Qur’aanku waa Mucjiso ilaahay SWT koonkan keenay oo la doonayo in addoomuhu ku dabbaqaan noloshooda iyo hadba waayahooda iyada oo dhagaysiga iyo akhriskiisa laga helo faa’iidooyin aad u ballaaran. 
Qaar Ka Mida Faa’iidooyinka Dhagaysiga Qur’aanka Ee Hurdada Ka Hor:
– In Qofku noqdo mid wax soo saar iyo hal abuur leh
– Ka Hor tag iyo Daawo uu qofka uga noqdo xanuuno aad u tiro badan oo isugu jira kuwo nafsi ah iyo kuwo jireedba. Waxa la ogaaday in xataa dhagaysiga qur’aanku hurdada ka hor uu ka hor tago xanuuno ay ka mid yihiin lafo-xanuunka, jir xanuunka, Daalka iyo cudurrada wakhtiga ah sida Kansarka.
– Waxa uu door weyn ka qaataa edbinta iyo toosinta nafta iyo ku soo dabbaalidda dariiqa toosan
– Waxa uu kordhiyaa kalsoonida qofku isku qabo ama uu noloshiisa ku qabo
– Waxa uu qofka ku beeraa qanaacad iyo in uu ku kalsoonaado waxa Alle SWT u qaddaray ee u qoray
– Waxa uu xoojiyaa xiriirka ka dhaxeeya qofka Akhriska ama dhagaysta iyo Rabbigii Abuuray iyo waliba sidoo kale xiriirka uu dadka la leeyahay.
– Waxa uu keenaa raaxo nafsi ah (Deganaansho)
– Waxa uu kaxeeyaa werwerka iyo ciriiriga nafsaaniga ah
– Waxa uu yareeyaa daalka maskaxda ee ay keenaan shaqooyinka badan iyo xaaladaha wakhtigan casriga ahi wataan ee daalka maskaxda kugu keena.
– Waxa uu dhammaan suuliyaa oo qofka ka kaxeeyaa walaaca soo noq-noqda
– Waxa uu kaa kaxeeyaa cabsida iyo ku dhiirrasho la’aanta
– Waxa uu qofka ka ilaaliyaa waswaaska iyo farriimaha shaydaanku qalbigiisa u soo diro
– Waxa uu kobciyaa in qofku caqligiisa kantaroolo oo xukumo si gaar ahna u kaantaroolo hannaanka uu uga fal-celiyo arrimaha la soo dersa.
– Waxa uu qofka ka taageeraa ku dhiirrashada go’aan qaadashada wanaagsan ee nolosheena saamaynta ku yeesha
– Waxa uu xoojiyaa awoodda qofnimo gaar ahaan awood uu qofku kaga gudbi karo xaaladaha adag iyo duruufaha nololeed ee qallafsan ee waayuhu wato
– Waxa uu u furaa hadalka iyo aftahamada
– Waxa uu qofka ka dhigaa mid hadalkiisa la fahmi karo oo carrab furnaan leh
– ugu dambayn Hanuun iyo toosnaan.