Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jabuuti Oo Amakaag Iyo Naxdin La Argagaxsan. Wiil Dhallinyaro Ah Oo Toorey Qoorta Kaga Jaray Aabihii, Hooyadi Iyo Afar Hablood Oo La Dhalatay

Thursday - January 5, 2017



Jabuuti - Guud ahaan Dadweynaha deggan Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si weyn uga calool xun dhibaato weyna ay ku noqotay, dhammaan dalkana laga hadal hayaa fal-dambiyeed argagax leh oo aan dalkaasi taariikhdiisa hore u soo marin oo uu ku kacay wiil dhallinyaro ahi kaasi oo habeen hore saqdii dhexe qoorta ka jaray dhammaan qoyskiisii oo ka kooban aabihii, hooyadii iyo saddex hablood oo ay walaalo ahaayeen sidoo kalena ay dirqi ku badbaaday gabar kale oo dhaawac ah oo ay iyana walaalo ahaayeen oo uu sida kuwa hore u dilayay isaga oo dhamaman qoyskoodan dilkooda u adeegsaday saddex mindiyood kadibna toos isku geeyey saldhigga weyn ee Booliska Caasimadda Jabuuti.

Wiilkan dhallinyarada ah oo warbaahinta Jabuuti weli sheegin magaciisa ayaa waxa uu goor dambe oo habeenimo mid mid qoorta uga jaray shan qof oo qoyskiisa ahaa kuwaasi oo kala ahaa aabbihii, Hooyadii iyo Afar hablood oo ay walaalo ahaayeen oo mid kali ah dirqi ku badbaaday balse isagu u haystay in uu iyana gawracay taasoo wakhtigan lagu dabiibayo cisbitaal Jabuuti ku yaalla. 

Dilkan naxdinta badan ayaa la sheegay in uu gaystay wiil dhallinyaro ah oo 21-jir ah oo jaamacadda Jabuuti dhiganayay sannadkii saddexaadna ku jiray aabihiina ahaa oday tagsiile ah. falkaan ayaa la sheegay in u dhacay intii u dhaxaysay 12-kii habeenimo illaa saddexdii habeenimo.

Xaafadda 7aad ee Magaalada Jabuuti oo uu falkani ka dhacay ayaa gaar ahaan tacsi u fadhida halka dalka Jabuuti oo dhan si weyn looga yaxyaxay falkan naxdinta badan. Kornayl Cumar Xasan Agaasimaha Sagratareega Ciidamada Booliska Jabuuti oo warbaahinta Jabuuti u faahfaahiyey sida arrinkani u dhacay ayaa yiri:
“Waxa ay ahayd ilaa afartii habeenimo markii uu xerada Taliska Booliska Jabuuti yimid nin dhallinyaro ah. Ninkaasi askartii xerada joogtay ee xalay shaqaynaysay waxa uu u sheegay in uu dhacdo aad u fool xun gaystay oo uu reerkoodii oo dhan gumaaday isaga oo sheegay in uu dilay hooyadii, aabihii iyo saddex qof oo ay walaalo ahaayeen. Isla markiiba ciidankii xalay shaqaynayay way baxeen waxaanay tageen gurigii ay masiibadaasi iyo falkaasi ka dhacay. Markii ay gurigii tageen waxa ay ugu tageen gabar yar oo dhaawac ah oo middi lagu dhuftay oo uu ninkan walaalkeed ku dhuftay. isla markiina oo ay gudaha guriga u si galeena waxay arkeen qoyskii oo wada meyd ah. 

Dadweynaha xaafadda 7aad (Karate 7) ee Magaalada Jabuuti oo ah xaafadda uu wiilkani qoyskooda ku gumaaday oo warbaahinta dawladda Jabuuti la hadlay ayaa sheegay in inankasi dhallinyarada ahaa ay ku yaqaaneen akhlaad wanaag dhammaan qoyskooduna ahaayeen dad wanaagsan oo xaafadda laga yaqaano balse aanay garanayn waxan ku kallifay dhibaatada intan le’eg ee uu gaystay. Dadweynaha Jabuuti ayaa qof kasta ay halkiisa ku taabatay dhacdadan argagaxa lihi.