Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Durbaba Kuraasti Kordhiska Ku Qaboojiyey Beelaha Kala Ah ......

Sunday - December 25, 2016


Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ee magaalada muqdisho uga qayb gelayey shirka  madasha wadatashiga qaran 24 -25 December 2016 ayaa waxa ay guul weyn ka gaareen xal u helidda Kuraastii muranku ku jirey ee gobolada woqooyi, kuwaas oo ay Puntland  qayb ku lahayd.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidu sheegay markuu la tashaday masuuliyiinta Dawladda Puntland wax-garadka iyo aqoonyahanka Puntland waxa uu saddexdaasi kursi ee loogu daray Puntland u qoondeeyey in labo ka mida lasiiyo beelaha harti gaar ahaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, sidoo kalena kursiga sadexaad ayaa waxa uu madaxweynuhu u qoon deeyey beesha shanaad ee deggan  Puntland.

Afhayeenka dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel ayaa maanta warbaahinta u akhriyey warmurtiyeedkaasi ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland isagoona intaasi raaciyey in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo magcaabi doono xubnahaasi.